Xaaladda cunto yarida Soomaaliya

Muqdisho
Image caption Dad cunto loogu qeybinayo xaruun ku taal Muqdisho

Sida ay ku waramayso warbixin cusub oo ay maanta ka soo saartay magaalada Nairobi Waaxda hey'adda FAO u qaabilsan qiimeynta xaaladda cuntada iyo nafaqada Soomaaliya ee FSNAU ayaa lagu sheegay in tirada dadka u baahan gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya ay sii yaraaneyso oo ay hoos u dhacday 25 boqolkiiba.

Taasi oo hoos u dhigeysa qatarta xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya oo ah midda ugu xun adduunka.

Warbixintu waxay sheegtay in xaaladda haatan ay ka soo reyneyso, laakiin laga cabsi qabo in mar kale ay sii xumaato haddii xilli roobaadka soo socda uu noqdo mid yar.

Xaaladda cunto ee Soomaaliya ayaa waxa ka sii daray abaar daba dheeraatay, oo hoos u dhigtay wax soosaarkii miraha beeraha iyo xoolihii oo baaba'ay, qiimaha cuntada oo kor u kacay iyo ammaan darida.

Warbixintu waxa ayka hadashay dhibaadata dadka ku barakacay dalka gudhihiisa oo ay sheegtay in 1.4 milyan qof ay ku qasbeen dagaalladii sanadihii danbe dhacay inay guryahooda ka qaxaan.

Weriyaha BBC ee Nairobi Maxamuud Cali ayaa arrinta ka waraystay Cabdirisaaq Maxamed Nuur oo ah sarkaalka FAO u qaabilsan dhinaca reer guuraaga.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan