15 ayaa ku dhintay maalintii labaad dagaalka

Dagaal
Image caption Dagaal culus ayaa ka socda Muqdisho maalintii labaad

Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 15 qof, ilaa 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo xarakada Shabaab, ayaa waxa ay ku dagaallamayaan maanta xaafado ka tirsan degmada Hodan.

Dagaalka ayaa dhinacyada iska soo horjeeda waxa ay ku adeegsanayeen hub culus iyo madaafiic, iyadoo la arkayay taangiyada ciidamada AMISOM oo ku lug lahaa dagaalka maanta.

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xirmay dagaalka awgii.

Xalayna waxa la sheegay in meelo badan oo ka tirsan magaalada la isku weydaarsanayey taxshiirado goosgoos ahaa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda ayaa weeraray fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa ahlu sunnah.

Dagaalkan oo shalay bilowday ayaa u muuqda mid culus oo saameeyay meelo kala duwan oo ka tirsan Muqdisho.

Dagaalka bilaabashadiisu waxay isku soo beegmay iyadoo afhayeenka al-Shabaab oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho uu ku sheegay in ay bilaabeen dagaal ballaaran oo ay kaga taqalusayaan kuwa ka soo horjeeda.