Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidamada Gobolada Jubbooyinka

Image caption Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi

Ciidan gaaraya ilaa iyo saddex kun oo askari oo Soomaaliyeed, oo loo tababaray dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaliya ayaa ku sugan Kenya, ciidankaan oo hadda ka horna uu ka taagnaa Khilaaf u sabsan halka la geynayo, in Muqdisho la geeyo iyo in gobollada Jubooyinka la geeyo ah.

Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya, Prof Maxamed Cabdi Gaandi, oo haatan ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, lahaana howsha abaabulka ciidankan, markuu wasiirka difaaca ahaa, ayaa Nairobi ugu waramay. wariyaha BBCda Cabdirisaaq Catoosh