4 ka dhimatay ciidamada AMISOM dagaalladii shalay ee Muqdishu

Ciidamada Midowga Africa

Duqayn culus iyo madaafiic ayaa xalay laga mqalayey degaanno ka tirsan magaalada Muqdishu, ilaa haddase lama ogaa khasaaraha ay geysteen.

Dhinaca kale, 4 askari oo ka tirsan ciidamada midowga africa ee AMISOM, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen magaalada Muqdisho, 8 kalena ku dhaawacmeen ka dib markii shalay hoobiye lagu soo ridey madaxtooyada.

Afhayeenka ciidamada midowga Africa ee AMISOM, Barighye Behuko, ayaa BBC u sheegay in askartan ay dhibaatadu soo gaartay iyagoo ku sugan xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.