Nin burcad badeed ah oo dambi qirtay

Burcad badeed
Image caption Burcad badeed

Burcad badeed Soomaali ah, ayaa dambi ka hor qirtay maxkamad Maraykanka ku taalla, iyadoo loo haystay dacwado la xiriira in uu weerar maxkmad ciidamada badda Maraykanku leeyahay oo ku sugnaa gacanka cadmeen.

Ninka, Jaamac Iidle Ibraahim, ayaa u sheegay maxkamadda in uu damacsanaa inuu weeraro markab ganacsi, oo ay madax furasho u qabsadaan, balse ay mar dambe ogaadeen in bartilmaameedkoodu uu ahaa markabka kuwa dagaalka Maraykanka.

Markabka Maraykanka ayaa rasaas ku riday iyadoo la dilay mid ka mid ah burcadbadeeda, isla markaaba qabtay ninkan iyo dhowr kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka, Neil MacBride ayaa sheegay in loo baahan yahay burcad badeedda casrigan la joogo in ay waajib tahay in lala xisaabtamo.

Ninkan waxaa la xukumi doonaa bisha November.