Duqay culus oo xalay ka socotey Muqdishu

Dad ka qaxaya Muqdisho
Image caption Qaxa Muqdisho

Duqayn culus iyo taxshiirado goosgoos ah ayaa ilaa xalay iyo saaka ka socotey magaalada Muqdishu, iyada oo shantii cisho ee horena ay jireen dagaallo ba'an oo isdabajoog ah oo ay ku dhinteen dad boqol qof gaadhayaa.

Suuqyadii waaweyna ayaa iyaguna weli xidhan, waxana ka mid ah suuqa Bakaaraha oo dadweynuhu si weyn uga adeegsan jireen bishan Ramadaan. Waxa kale oo weli xanniban jidka weyn ee Maka Mukarama. Taasina waxay keentay inay joogsadaan baabuurtii u kala gooshi jirtey Xamar ilaa Afgooye iyo wixii ka shisheeya, amma ay samaystaan toobiye kale, meelo fog ka soo wareegaan.

Weli waxa la isku hor fadhiyaa degaannadii dagaallada ugu weyn ay ka dhaceen maalmihii aynnu soo dhaafnay, gaar aaan degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, iyo Boondheere

Image caption Tank ay leedahay AMISOM oo dagaalka ku jira

Ilaa 100 qof dad ka badan ayaa ku dhintay dagaalada maalmihii aynnu soo dhaafay socda caasimadda somalia ee Muqdisho,sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka.

Goobaha ay dhinacyada kala joogeen maalintii uu dagaalku bilowday ayay wali kala joogaan, inkastoo dhinac walbaa uu horay guulo si gaar ah u sheegtay.

Wali waxaa socda barakaca dadka, iyadoo boqolaal qof ay isaga cararayaan guryahooda oo ku yaallay ama ku dhowaa goobaha lagu dagaalamayo.