Dagaal si xoog leh wali uga socda Muqdisho

Kooxaha Islaamiyiinta
Image caption Kooxaha Islaamiyiinta

Dad ka badan boqol qof, ayaa ku dhintay, tiro ka badan 200 oo qof-na way ku dhaawacmeen dagaalada magaalada Muqdisho ka socda maalintii lixaad ee aan kala go'a lahayn.

Waxaa uu dagaalku u dhaxeeyaa Islaamiyiinta oo dhinac ah iyo ciidamada dawladda oo garab ka helaya kuwa AU ee nabad-ilaalinta.

4 qof ayaa ku geeriyootay 12 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka maalintii lixaad ka soconaya degmooyin ka tirsan gobolka Banadir, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Islaamiyiiin ah ee ka soo horjeeda.

Dagaalada, ayaa waxa ay saamayn ku yeesheen wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan dowladda ku meelgaarka ah iyo AMISOM.

Image caption Tank ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo dagaalka ka qaybqaadanaya.

Gaadiidka dadweyanaha, ayaa waxa laga xiray qeybo ka mid ah wadadaas gaar ahaan inta u dhaxeysa wadada shaqaalaha ilaa iyo Sayidka dagaalada awgeed, waxaana wadada laamiga ah ku sugan gawaarida gaashaaman ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo askarta dowladda ee difaacaya kooxaha weerarka ku haya.

Waxa weli la maqlayaa rasaas ay is weydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Dhanka kale shir jaraaid, oo uu ku qabtay mowlaca Macalin Nuur ee degmada Howl-wadaag madaxa Alshabab ee gobolka Banadir Cali Maxamed Xuseen ayuu waxa uu ku sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen oo meesha uu shirka jaraa'id ku qabtayba ay tahay meel ay dagaalami jireen 'cadowga Islaamka', oo uu ula jeeday Ahlu-sunna Walajamaca.