Muqdishu oo xalay iyo saaka deganeyd

ciidamada AMISOM
Image caption Ciidamada AMISOM

Magaalada Muqdishu ayaa xalay iyo saaka deganayd oo aan laga soo sheegin wax dagaallo ah oo waaweyn, welise waxa taagan cabsi iyo xiisadihii colaadeed oo laga baqayo in mar kale la isku dhifan karo saacad kasta.

Dhinaca kalena waxa weli xidhan suuqyadii waaweynaa ee ganacsiga iyo adeegga, jidadka iyo gaadiidkii caadiga ahaa. Jidadaka waaweyn ee xidhan waxa ka mid ah jidka Maka Mukarrama oo isku xidha caasimadda iyo gobollada Galbeedka iyo koonfurta.

Ciidamada iska soo horjeedaana waxay kala fadhiyaan goobihii hore ee ay ku kala sugnaayeen toddobaadkan ugu danbeeyey oo dagaalladii ugu ba'naa magaalaa muqdishu ay ka dhaceen.

Dad ka badan boqol qof, ayaa ku dhintay, tiro ka badan 200 oo qof-na way ku dhaawacmeen dagaalada magaalada Muqdisho ka socda lixdii maalmod ee la soo dhaafay.

Image caption miliishiyada al_Shabaab

Waxa kale oo dagaalladani cusubi ay geysteen qax iyo barakac cusub oo aad u ballaadhan, in kasta oo dadka qaxayaa ay dhibaato kala kulmayeen jidadkii ay ka bixi laaayeen iyo gaadiidkii ay ku qaxi lahaayeen. Dagaalladan, ayaa waxa ay saamayn ku yeesheen wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan dowladda ku meelgaarka ah iyo AMISOM.

Gaadiidka dadweyanaha, ayaa waxa laga xiray qeybo ka mid ah wadadaas gaar ahaan inta u dhaxeysa wadada shaqaalaha ilaa iyo Sayidka dagaalada awgeed, waxaana wadada laamiga ah ku sugan gawaarida gaashaaman ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo askarta dowladda ee difaacaya kooxaha weerarka ku haya.