Madaxweyne A M Siilaanyo oo magacaabay xilal cusub

Somaliland president Siilaanyo
Image caption Madaxweynaha Somaliland A M Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shaqadii ka fadhiisiyay in ka badan afartan mas'uul oo isugu jira guddoomiyayaasha hay’adaha dawladda ee madaxa bannaan, taliyayaasha ciidamada qalabka sida , iyo agaasiimayaal guud.

Madaxweynuhu wuxuu kale oo uu magacaabay masuuliyiin cusub oo beddelaysa kuwa uu shaqada ka eryay, waxana lagu tilmaamay in isbedelkani uu yahay kii ilaa hadda ugu ballaadhnaa:

Guddoomiyihii baanka Dhexe Cabdiraxmaan Ducaale, waxaa bedelay Cabdi Dirir Cabdi.

Xeeri ilaaliyihii guud Xuseen Cabdi Qaalib , waxaa bedelay Xasan Axmed Adam.

Hanti-dhawrihii guud Axmed Xasan , waxaa bedelay Maxamuud Aw Cabdi Ibrahim.

Guddoomiyihii hay’adda shaqaalaha C/raxman Ismaaciil, waxaa beddelay Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil .

Guddoomiyihii hay’adda waddooyinka Eng Faahiye, waxaa bedelay C/qaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan.

Xisaabiyaha guud oo loo magacaabay Ibraahim Adam Qaalib.

Guddoomiyaha hay'adda abaabul-ka-saarka Jamaal Caydiid Ibraahim.

Guddoomiyaha hay’adda ka-hor-tagga aafooyinka Dr Maxamed Muuse Cawaale.

Guddoomiyaha hay’adda dib-u-habaynta shuruucda Xasan Aw Adam Cabdi.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka Adam Nugaal xaaji Xassan.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqal-insaanka Dr Amina Cabdillahi Axmed.

Guddoomiyaha guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar.

Guddoomiyaha hay’adda ilaalinta tayada Saciid Saleemaan Mire.

Guddoomiyaha guddiga diiwaanka sakada Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar.

Guddoomiyaha hay’adda ICT Cali Cabdillaahi Daahir.

Xoghayaha fulinta ee guddiga HIV/Aids Dr Maxamed Daahir Kheyrre.

Maareeyihii dekedda Berbera Eng Cali Xoorxoor , waxaa lagu beddelay Axmed Yuusuf Dirir oo hore u ahaa xisaabiyaha dekedda.

Maareeyaha Hay’adda korantada waxaa loo magacaabay Xasan Cismaan Adam.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Ibraahim Siyaad Yoonis.

Maareeyaha Madbacadda Qaranka, Cali Saciid Reygal.

Maareeyaha Wakaaladda Qurbajooga, Saleemaan Maxamed Faarax.

Waxaa jagadii laga qaaday Taliyihii guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubbad, iyo taliye xigeenkiis Korneyl Maxamed Shiil Dhidar.

Waxaa loo magacaabay taliyaha Boliiska Korneyl Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal), Taliye Xigeenna Korneyl Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (fooxle).

Waxaa kaloo jagadii laga qaaday taliyihii guud ee ciidanka Asluubta General Cabdi Suldaan Gurey , waxaana loo magacaabay Korneyl Maxamed Xuseen Faarax(Xiiran), taliye xigeenka ciidanka cusubina waa Xasan Cali Cawad .

Waxaa isna jagadii laga qaaday taliyihii ciidanka Badda Admiral Cismaan Jibriil, waxaan loo magacaabay ciidankaasi Axmed Aw Cismaan.

Taliyihii ciidanka Sirdoonka Korneyl Maxamuud Nuur isna xilkii waa laga qaaday, waxana taliye cusub ah Korneyl Xuseen Xasan Rooble(Keniyaata)

Taliyaha Guud ee Ciidanka Milletteriga Somaliland Generaal Nuux Ismaaciil Taani, iyo taliye xigeenkiisa Korneyl Ibraahim Caydiid Dhab-dhable labadaba dib ayuu madaxweyne siilaanyo ugu magacaabay jagooyinkoodan.

Todoba wasaaradood ayaa madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xilkii agaasimayaashii guud oo loo magacaabay agaasimayaal guud oo cusub :

Wasaaradda Arimaha Dibedda waxaa agaasime guud loogu magacaabay Saciid Cali Weyrax.

Wasaaradda Beeraha, Cabdillaahi Ismaaciil Faarax .

Wasaaradda Maaliyadda, Jaamac Axmed Maxamed .

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Baashe yuusuf Axmed.

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xassan Cumar Hoorri.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dekedaha, Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Shariif Libaax Muuse .

Agaasimaha Guud ee cusub ee Hay'ada shaqaalaha, Ibraahim Xaaji Nuur Diiriye.

Wakiilkii Somaliland ee dalka Ethiopia Ambassador Maxamed Xasan Nuuriye ayaa isna Madaxweyne Siilaanyo Xilkii ka qaaday.

Waxaa loo magaacabay Wakiil cusub, Maxamed Xasan Saciid .