Dagaal goos goos ah

Shabaab
Image caption Shabaab

Muqdishu waxa lagu soo warramay inay xalay iyo saaka deganeyd, ka dib marki shalay mar kale dib ay dagaallo uga bilaabmeen

Dagaalka shalay ayaa goos goos ahaa, waxana la maqlayay rasaasta ka dhaceysa qoryaha culus.

Dhinaca kalena, suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo xirnaa lixdii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa shalay dib u furmay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Tarsan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada ayaa ugu baaqay ganacsatada suuqa Bakaaraha inay u guuraan suuqyada ku yaalla Xamar Weyne.

Tarsan waxa uu ku eedeeyay kooxaha mucaaradka inay dhibaato ka wadaan Suuqa bakaaraha.

Dagaalada magaalada Muqdisho ka socday toddobaadkii ugu danbeeyay ayaa waxa ku dhintay in ka badan 100 qof.

Dhinaca dawladdu waxay sheeganaysaa in ciidamadeedu guul ka soo hooyeen dagaalladani, ayna ka qabsadeen dhul cusub kooxaha ka soo horjeeda.

Guud ahaanse waxa weli taagan xassillooni-darradi iyo xaalado colaadeed