South Africa iyo muddaharaadka shaqaalaha

shaqo joojinta South Africa
Image caption Dalka South Africa shaqaalaha dowladda ayaa ku jira shaqo joojin toddobaadkii 3aad gashay.

Madaxweynha dalka South Africa, Jacob Zuma, ayaa faray wasiirradiisa inay dib ugu laabtaan miiska wada xaajoodka si loo soo afajro shaqo joojinta ay ku jireen shaqaalaha adeegyada dadweynaha, oo haatan gashay toddobaadkii 3aad.

Go'aanka madaxweynuhu waxaa uu yimid iyadoo shaqaale kale oo ka tirsan adeegyada biyaha iyo sameynta taayarrada baabuurta la filayo inay ku biiraan shaqo joojinta, waxaana jirta hanjabaad shaqaalaha adeegyada gaarka loo leeyahay inay iyagu ka qayb galaan shaqo joojinta.

Afhayeenka madaxweyne Zuma, Zizi Kodwa, waxaa uu sheegay in dowladdu ku kalsoon tahay inay maalmo gudahood ku soo afjarto shaqo joojinta.