Kenya oo loo heysto sababta ay u xiri weysay al-Bashiir

Cumar al-Bashiir
Image caption Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashiir oo gacan qaadaya Mwai Kibaki

Safiirada Kenya u fadhiya Yurub oo dhan ayaa looga wacay wasaaradaha arrimaha dibedda ee yurub oo dhan, kadib markii Kenya ay ku guuldareysatay inay xirto Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashiir booqashadii dhawaan uu ku tagay magaalada Nairobi.

Madaxweyne, Cunar al-Bashiir ayaa waxa doonaya in la soo xiro Maxkamadda Dambiyada Caalamiga, oo ku heysata dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka dhinaca koonfureed ku yaalla dalka Sudan ee Darfur.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Yurub ayaa xasuusin doona Kenya ballanqaadkii ay sameysay markii ay saxiixday heshiiski I maxkamadda.

Madaxweynaha Sudan, al-Bashiir ayaa Jimcihii magaalada Nairobi kaga qeybgalayay xaflad lagu maamuusayay dastuurka cusub ee Kenya.