Obama: Hawlgalkii dagaalka Ciraaq wuu dhammaaday

Madaxweyne Obama
Image caption Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama

Madaxweynaha Marekanka, Barack Obama, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu dhammaaday hawlgalkii dagaalka ee ciidamada Mareykanku ay ka wadeen Ciraaq.

Khudbad telefishinka laga sii daayay, isagoo markaasi ka soo dhex hadlayay aqalka Cad ayaa Mr Obama waxa uu sheegay in Mareykanku uu gutay masuuliyadii ka saarneyd Ciraaq, kadib markii ay uga baxday lacag ka badan tirillion dollar dagaalka uu halkaasi ka waday muddo toban sano ah, Waxa uu yiri waa xilligii xooga la saari lahaa dib usoo celinta dhaqaalaha Mareykanka.

Madaxweyne, Obama ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha Ciraaq inay dhisaan dowlad midnimo qaran, sida ugu dhaqsaha badan.

Obama waxa kale oo sheegay in ay ka sii dagaallami doonaan Afghanistan si ay uga hortagaan in Afghanistan ay saldhig u noqoto argagaxisada.