Uganda: Waxaan diraynaa toban kun oo askari

Ciidamada Uganda
Image caption Ciidamada AMISOM

Ciidamada Uganda ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay u diraan Soomaaliya in ka badan toban kun oo ciidamo dheeraad ah, taasi oo ka badan laba jiraab ciidamada hadda ka jooga midowga Afrika alka Soomaaliya.

Afhayeen militeri oo u hadlay ciidamada Uganda Felix Kulayigye ayaa sheegay in toban kun oo dheeraad ah oo ciidamo ah in la tababaray, ayna diyaar u yihiin, laakiin waxaa uu sheegay in Uganda ay uga baahan tahay Mareykanka inay bixiyaan lacagtii ku bixi lahayd.

Hadalkan ayaa soo baxaya kadib weeraradii qaraxa ee July lagu qaaday caasimadda Kampala, halkaasi oo in ka badan 70 qof ay ku dhinteen.