dad lagaga shakiyey shabab oo Burco lagu xiray

somaliland Police
Image caption Booliska somaliland

Magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer waxaa lagu xir xiray 24kii saac ee la soo dhaafay dad u badan dhallinyaro oo lagu tuhmay in ay ka tirsan yihiin ama ay ku xiran yihiin ururka Shabab ee somalia,sida uu BBCda u sheegay guddoomiyaha gobolka togdhdeer.

guddoomiyaha gobolka Yaasiin Muxumed Abdi ayaa sheegay in hawlgalka la fuliyey kadib markii magaalada xaafado ka mid ah laga helay jawaan ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa..wuxuu intaas ku daray in dadka la qabtay su'aalo la waydiinayo oo sida sharci qabo cidii dambiile ah maxkamad la geyn doono,cidii kalena la sii deyn doono.

Guddoomiyaha oo dhawaan uu magacaabay M/weynaha Ahmd M M Siilaanyo ayaa sheegay in xaaladda guud ee amaanka gobolka Togdheer ay wanaagsan tahay oo caadi tahay.