Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisal-Wasaaraha ee Dastuurka cusub

Shariif, Sharm'arke
Image caption Madaxweynaha iyo Ra'iisal-wasaaraha

Wararka ka soo baxaya dhinaca dawladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegayaa in maalmahani danbe uu khilaaf hor lihi ka dhex oogmey madaxweyne Sh Shariif Sh Ahmed iyo ra'iisal-wasaaraha, Omar Abdirashiid Sharm'arke.

Khilaafkan cusub ayaa la sheegay inu salka ku hayo dastuurka federaalka ee qabyada ah ee cusub, kaasi oo hore ay u soo diyaariyeen guddi madax bannaan bishuu July dhamaadkeedii. Welise waxa la sheegay in aan la isla meel dhigin baarlamaanka dhexdiisa iyo in afti loo qaado hadda.

Image caption Pesident Sh Shariif Sh Ahmed

Waxase wararka qaar ay sheegeen in khilaafkani cusubi uu ka abuurmay qoraal ku saabsan dastuurkan cusub oo uu raiisal-wasaaruhu u kala diray beesha caalamka, taasi oo aanu madaxweynuhu ogeyn, sida la sheegay, raallina ka noqon waxyaabaha ku qoran warqadaasi oo aan ila hadda laga bixin faahfaahin.

Dhinaca kalena, kulan ay madaxtooyada ku yeesheen xubno ka tirsa baaramaanka dawladda ku meelgaadhka ah, maalintii khamiistii, ayaa eedayn looga soo jeediyey xukuumadda ra'iisal-wasaare Omar Abdirashiid, waxana lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dastuurkaasi cusub.

Image caption Omar Abdirashiid, Somali PM

Bishii May ee aynnu soo dhaafnay ayaa madaxweynuhu waxa u ku dhawaaqay inuu soo magacaabi doono raiisal-wasaare cusub, sababta oo ah in xilligii xilkaasi uu ka dhamaaday raiisal-wasaaraha haatan Omar Abdirashiid.

Xaaladdani waxay ka danbeeyeen kala qaybsanaan soo dhex gashay baarlamaanka, shir-guddoonkii baarlamaanka, iyo dawladda dhexdeeda.

Haddana go'aankaasi madaxweynuhu waa kale oo uu dhaliyey muran iyo khilaaf weyn oo siyaaadeed, isaga oo Omar Abdirashiidna uu ku gacansaydhay go'aankaasi madaxweynaha, kuna tilmaamay in aanu sharci ahayn.

Dhinaca kalena waxana uu culays weyni ka yimid beesha caalamka iyo dawladaha gobolka, taasi oo kalliftay in madaxweye Sh Shariif uu ka noqdo go'aankiisii hore.