Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Khilaafka Sharmarke iyo Shariif

Image caption Madaxweynen Shariif iyo Raiisul Wasaare Sharmarke

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxa uu salka ku hayaa dastuurka cusub ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa BBC uga warramay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif.