Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

10 qof ayaa dhimatay Mudisho, 30 kalena waa dhaawac

Image caption Ciidamada AMISOM

Ku dhawaad toban qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, soddon kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo culus iyo duqeyn maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah, oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ayaa waxaa uu ka dhacay degmooyinka Hodan, Hawldagaag, Cabdicasiis iyo Shangaani.