Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xisbiga Kulmiye oo diidan mudo kordhinta guurtida iyo wakiilada

Image caption Golaha guurtida ee Somaliland

Xisbiga talada haya Somliland ee Kulmiye ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta dheer ee shalay golaha guurtidu ugu kordhiyeen laba sano iyo siddeed bilood golaha wakiilada, isla markaana guurtiduna isugu kordhiyeen muddo dhan saadex sano iyo siddeed bilood. Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Udub iyo Ucid ayaa iyaguna shalayba cambaareeyay muddo kordhintaasi. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa maanta ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan kordhisiimada.

Wariyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo wareystay Muuse Biixi ayaa ugu horreyn weydiiyay mawqifkooda.