Wasiirka warfaafinta Puntland

Dagaal ayaa shalay ka dhacay deegaan ka tirsan Puntland oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo koox hubeysan oo uu hogaamiyo Shiikh Maxamed Saciid Atam.

Dhinaca kale, Boosaaso ayaa shalay ciidamada booliiska ee Puntland waxa ay ku xireen dad ku dhaw 300.

Wararkaas ayaanu ka waraysanay wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqanka Cabdixakiin Axmed Guuleed.

Waxa uu sheegay inuu diidan yahay waraysi BBC ay shalay la yeelatay Shiikh Atam.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa weydiiyay waxa uu ku qoonsaday wareysigaasi.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Image caption Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta & dhaqanka Puntland, Cabdixakiim Axmed Guuleed.

Wuxuu wasiirku sheegay in uu ka soo horjeedo in Maxamed Siciid Atom BBC ay 'Sheekh' ugu yeerto.

Wuxuu xusay wasiirku in Atom uu ka been sheegay dagaal la sheegay in uu dhacay, oo Atam uu sheegay in uu ka dhacay tuulada Galgala, balse wasiirku uu ku doodayo in meel ka fog uu dagaalku ka dhacay.

Wuxuu kaloo wasiirku ka waramayaa dad lagu xir-xiray Boosaaso, oo loo haysto arrimo dhinaca ammaanka la xiriira.