Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidan ka soo degay xeebta Awdal

Image caption Hubkii laga qabtay ciidanka

Labada taliye guud ee ciidamada Milleteriga iyo boliiska Somaliland, General Nuux Ismaaciil taani iyo general Cilmi Rooble Furre ayaa shir jaraa'id oo caawa ay ku qabteen Hargeysa faah-faahin kaga bixiyay ciidamo hubeysan oo laga soo dejiyay xeebta u dhaxaysa lughaya iyo saylac oo la tuhunsanyahay inay yihiin jabhadda ONLF.

Goobta shirkaasi jaraa'id oo ahayd xarunta C. I. D ee Hargeysa waxaa labada taliye ku soo bandhigeen hub iyo doccumment ay sheegeen in laga helay ciidankaasi, iyagoo sheegay in ciidankaasi oo lagu hereereysanyahay laga qabtay laba ka mid ah oo midkood dhaawac yahay.

Ciidanka yaa dadka deegaanka ee arkay ku qiyaaseen inay dhamaayeen ilaa laba boqol oo ciidan.