Wadahadalka Bariga Dhexe oo ka bilaabmay Masar

Wadahadalka ayaa maanta ka socda mahgaalada  Sharm el- shiekh ee Masar
Image caption Wadahadalka ayaa maanta ka socda mahgaalada Sharm el- shiekh ee Masar

Wareegii labaad wadahadala bariga dhexe ayaa ka bilaabmay dalka Masar, xoghayaha arimaha dibadda ee Mraykanka Hilary Clinton ayaa ku soo biirtay wadahadalka Hogaamiyayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta.

Wariyaha BBC ee Bariga dhexe ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ay rajaynayaan in xuduudahaha dal falastiin in ay noqon doonto arimaha ugu horeeya ee laga hadlayo .

Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka baxayaan wadahadalka hadii hadii Israel ay dib u bilawdo dhisida guryo cusub ee dhulka ay ka haysato falastiiniyiinta.

Xamas oo maamusha Gaza ayaan wadahadalka ka qayb galeen, Hogaamiyaha Xamaas Maxamoud Alzahar ayaa BBC u sheegay wadahadalkan maanta in uu yahay sidii kuwii hore oo aysan waxba ka soo baxeen.