Fadhigii baarlamaanka oo baaqday

Fadhiga baarlamaanka
Image caption Fadhiga baarlamaanka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u ballansanaa in uu cod kalsooni ah u qaado Xukuumadda ayaa fadhigiisii baaqday.

Sababta shirkii baarlamaanku u baaqday wax faahfaahin ah lagama bixin.

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa isaguna maanta ku soo laabtay Muqdisho.

Raiisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa shalay shir jaraa'id oo uu Muqdishu ku qabtay waxa uu ku sheegay in uu dowladda horgaynayo baarlamaanka so loogu qaado cod kalsooni.