Shidaalkii labaad oo laga helay Ghana

Shidaalka Ghana
Image caption Shidaalka Ghana

Shirkada shidaalka ee Britishka ee Tullow oil ayaa sheegtay inay shidaal badan ka heshay goob shidaal laga baarayo ee u dhow xeebta Ghana.

saldhiga shidaalka laga baarayo ee la yiraah Owo ayaa waxaa ku jira shidaal dhan 550 million oo barmiil.

Agaasimaha shidaal baarista ee shirkadda Tallow Angus McCoss, ayaa BBCda u sheegay inay qaadan doonto sadex sano in shadaalka laga soo saaro saldhiga Owo.

Waa shidaalkii labaad ee shirkada Tullow ay ka hesho Ghana, sanadkii 2007dii waxay shidaal ka heshay saldhiga Jubilee.