Pentagon oo u magacawday taliye cusub Africom

Wasaarada gaashaandhiga ee  Maraykanka ee Pentagon
Image caption Wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka ee Pentagon

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa u magacaawday general Carter Ham inuu madax u noqdo saldhiga Milatari ee Africa Command ee Maraykanka - Africom.

Africom ayaa la aas aasay bishii Octobar 2008dii si looga hortago kooxaha argagixisada Africa.

Saldhiga milatari ee Africom ayaa xaruntiisu tahay Jarmalka.

General Carter Ham wuxuu hadda madax u yahay saldhiga milatari ee Maraykanka ee Yurub.