Ghana oo dhimi doonta saboolnimada kala bar

Ghana waxay aad u maalgalisay beeraha iyo kaluumaysiga
Image caption Ghana waxay aad u maalgalisay beeraha iyo kaluumaysiga iyadoo kaashanaysa deeq bixiyayaasha caalamiga

Machadka horumarinta caalamiga ee Britain ayaa sadaalisay in Ghana ay noqonayso wadanka koowaad ee Afrika ee dhimi doona saboolnimada kala bar sanadka 2015 oo markii ay qaramada midoobay u qabatay in la dhimo kala bar saboolnimada.

Machadka Horumarinta caalamiga ee Britain ayaa sheegtay in kala bar dadka reer Ghana ay haayeen sabool 1990 meeyadii, laakiin ay tiradaas ay hada noqotay ilaa rubac dadka saboolka ah.

Sidoo kale waxaa kala bar yaraaday caruurta nafaqo darada ah.

Machadka horumarinta caalamiga ayaa sheegay in horumarka Ghana uu sababay isbadal ay ku samaysay dhaqaalaheeda, iyo goaanka ay dowladda ku gaartay inay maalgaliso beeraha, inay dayactirso jidadka iyo iyadoo la kaashatay wadamada deeqda bixiya.