Shirka laba Shariif

Madaxweynaha Shariif S Axmed iyo Raiisalwasaaraha  Cumar Cabdirashiid
Image caption Madaxweynaha Shariif S Axmed iyo Raiisalwasaaraha Cumar Cabdirashiid

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan, ayaa maanta ku laabtay Muqdisho isaga oo ay wehliyaan 32 xubnood oo u badan baarlamaanka, 6 ka mid ahina ay yihiin Wasiirro.

Guddoomiyaha oo dhinac ka deggan Madaxtooyadu waxaa uu markiiba shir la galay Madaxweynaha.

Lama sheegin waxa ay ka wada hadlayaan, laakiin caqli badan uma baahna in la fahmo in ay ka xaajoonayaan qalalaasaha siyaasadeed ee soo wajahday doonta ay wada saaran yihiin.

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed wuxuu shalay si kulul, oo aan looga baran intii uu Madaxweynaha noqday, uu u dhaliilay waxqabad la'aanta Xukuumadda.

Waxaa uu sheegay in xataa markii dhowr jeer wax laga beddelay xubnaha Xukuumadda, in wax ka sii dara moogiye la waayay wax ka soo raaya.

Sidaa darteed wuxuu sheegay in aan mas'uuluyaddii Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaankuba ay u dhaarteen ay tahay in aan indhaha laga qarsan.

Hadallada Madaxweynaha waxaa u riyaaqay dad badan oo u arka in ay horseedi karto billow cusub.

Dhinaca kale, dadka qaar waxay is qeydiinayaan sababta uu Madaxweynuhu hadda uun u soo baraarugay, maaddaama fashilaaddu ay si tartiib ah u socotay tan iyo markii ay xukuumaddu hawl gashay.

Waxaa kale oo la is weydiinayaa in Madaxweynuhu ka dhabayn doono in uu saxo khaladdaadka waaweyn ee dowladda, wixii hadda ka dambeeya.

Madaxweynuhu wuxuu hore u ballan qaaday toddobaadka soo socda in uu ka hadli doono fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay ee magaalada New York.

Wafdigiisii hor dhaca ahaa ayaa maalmo halkaa ku sugnaa.

Taa macnaheedu waxay noqoneysaa in uu maalmaha foodda nagu soo haya uu u dhoofo New York.

Ma sahlana in uu dhoofo iyada oo aan xal laga gaarin qalaalsahan siyaasadeed.

Umana eka in khilaafkani ku dhammaan doono maalin iyo laba.