Dagaal ka dhacay Muqdisho

Dhaawac
Image caption Qof rayid ah oo ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho

Ugu yaraan Shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Afrika ee AMISOM iyo Xisbul Islaam ayaa waxa uu maanta (ISniin) ka dhacay Muqdisho.

Dagaalku wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan, agagaarka Taleex.

Waxaa la maqlayay rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Afhayeenka Xisbul islaam, Maxamed Cismaan Caruus ayaa BBC u sheegay in weerarka ay iyagu soo qaadeen.

Dagaalka uqdisho oo inta badan aan degaan lagu kala qabsan, waa mid labada dhinacba ay magaalo dhexdeed isku weydaarsanayaan madaafiic qaarkood ay culculus yihiin.

Waxaa ku dhinta dad rayid ah, laakiin uma muuqato dhinacyada dagaallamaya in ay taasi ka joojineyso in ay adeegsadaan madaafiic.

Shabaab iyo Xisbul Islaam waxay sheegaan in ay la jihaadayaan AMISOM.

AMISOM iyaduna waxay qiil ka dhigataa in lagala horreeyay duqeynta.