Bahuko: 25 ayaan ka dilnay mucaaradka

Amisom
Image caption Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, oo dagaallamaya

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Barigye Bahuko ayaa BBC u sheegay in ay dileen 25 ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta, isla markaana ay hub ka qabsadeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhinacooda hal askari uu uga dhintay dagaalka, laba kalena ay uga dhaawacmeen.

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus ayaa waxa ku dhintay ilaa 20 qof oo rayid ah, in ka badan 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen.