20 rayid ah ayaa la dilay, 72 waa dhaawac

Dhaawac
Image caption Qof ku dhaawacmay duqeynta magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 20 rayid ah ayaa dhimatay, ilaa 72 qofna waa ku dhaawacmeen, dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda, dagaalkaasi oo saaka ka qarxay magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayaa waxa uu saaka waaberigii ka bilowday degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis.

Mar kale ayaa dagaalku waxa uu dib uga qarxay degmooyinka Hodan iyo Hawl wadaag.

Duqeyn culus ayaa socota, iyadoo dhawaaqa rasaasta laga maqlayo qeybo kale oo ka mid ah caasimadda Muqdisho.

Madaafiicda ayaa ku dhacayday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo dadku intooda badan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo xaafado ka tirsan degmada Wardhiigleey.