Shariif oo ka qeybgalaya shirka QM

Madaxweyne Shariif
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybagalay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada New York maanta gelinka danbe.

Dhinaca kale Madaxweyne, Shariif Shiikh Axmed ayaa magacaabay sii haye Raiisul Wasaare, kadib markii uu shalay is casilay Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay inuu noqdo Sii haye Raiisul Wasaare, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, oo ahaa Raiisul Wasaare ku xigeenka dowladda.

Xiisaddii siyaasadeed ee ka jirtay magaalada Muqdisho ayaa hadda degan.