Ra'iisul Wasaare Sharmarke ayaa is casilay

Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke
Image caption Raiisul Wasaare Sharmarke waxa ay is khilaafeen Madaxweyne Shariif

Ra'iisal Wasaare, Cumar Cabdirashid Sharmarke, ayaa is caslilay.

Is casilaadda Sharmarke ayaa ku timid markii uu khilaaf soo kale dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha oo keentay in labada mas'uul aysan muddo dheer is arag amaba telefoon ku wada hadal.

Arrimaha ugu weyn ee loo aaneynayo khilaafkooda ayaa waxaa ka mid ah dastuur qabyo ah oo loo sameynayo Soomaaliya.

Dowladdan KMG ah ayaa la sameeyay horaantii 2009, waxaana ay gacanta ku heysaa qeybo yar oo ka mid ah caasimadda Muqdisho.

Dowladda oo ay taageeraan ciidamada Afrika ee AMISOM, ayaa waxa dagaal kula jira kooxo Islaamiyiin ah oo gacanta ku haya inta badan gobollada koonfureed iyo caasimadda Muqdisho.

Taariikhda Sharmarke

Cumar Cabdirashiid Sharmarke waa 49 jir. Waxaa dhalay Cabdirashid Cali Sharmarke, oo Soomaaliya Madaxweyne ka noqday lixdamaadkii.

Waxaa uu wax ku soo bartamay Jaamacadii Ummadda ee Soomaaliya, oo wuxuu ka qalin jebiyay Kulliyadda Dhaqaalaha.

Laba Shahaaddo oo kalena waxaa uu ka qaatay Jaamacadda Carleton ee dalka Canada, halkaas oo uu ka bartay siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Intii aan Qaranka Soomaaliya burburin, waxaa uu saddex sano ka soo shaqeeyay Bankiga Horumarinta.

Shaqooyinka uu soo qabtay Cabdirashiid waxaa ka mid ah Qarammada Midoobay oo uu uga soo shaqeeyay dalalka Sudan iyo Sierra Leone.

Cumar Cabdirashiid, waxaa Raiisul Wasaare u magacaabay bishii Febraury ee sanadkii hore Madaxweyne Shariif.