AU oo caalamka ka dalbatay taageero

Ururka Midowga Afrika ayaa dalbadey in uu caallamku maalgalin ku sameeyo dadaalka nabad ilaalinta oo ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Ergeyga Ururka Midowga Afrika ee Somalida, Dirarra Boubacar ayaa sheegay in dalalka Afrika ay ka go'an tahay in ay gacan siiyaan dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, hase ahaatee, AUda ay u baahan yihiin lacag dheeraad ah iyo in ay Qaramadda Midowbay gacan ka siiso xagga saadka.

Baaqaan ayaa soo baxaya ka hor kullan gaar ah oo laga yeelanayo Soomaaliya oo uu gudoominayo Xoghayaha Guud ee Qararamadda Midowbay, Ban Ki Moon.

In ka badan todoba kun oo nabad ilaaliyeyaal ah oo ka socoda Ururka Midowga Afrika ayaa ku sugan magaaladda Muqdishu ee caasumadda u ah dalka Soomaaliya, waxayna taageerayaa dowladda ku meel gaarka ah oo weeraro joogta ah kala kulmeysa mucaaradka Islaamiyiinta ah.