Liberiya oo laga cafiyay in kabadan hal billian oo dollar

Madaxweynaha Liberia Helen Johnson Sirleaf
Image caption Madaxweynaha Liberia Helen Johnson Sirleaf

Waddamo badan oo dayn ku lahaa Liberia ayaa ku heshiiyay inay daynta ka cafiyaan Dowladda Liberiya, dayn dhan in ka badan hal billion oo dollar.

Go'aankan ayaa la gaaray markii ay waddamada qaniga ah ee ku jira ururka Paris Club ay soo saareen qoraal sheegaya, in ay ku qanacsan yihiin sida ay dowladda Liberiya ay u hirgalisay dhimista saboolnimada iyo sida ay u taageertay koror dhaqaale.

Liberiya ayaa ka soo kabanaysa sanado badan oo ay socdeen dagaal sokeeye kaasoo dhamaaday 2006dii, markii la doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee dumar ah Afrika Ellen Johnson -Sirleaf