Obama oo u digay dalalka adduunka

Madaxweyne Obama oo ka hadlaya shirka Millenium Development ee Qaramada Midoobay
Image caption Madaxweyne Obama oo ka hadlaya shirka Millenium Development ee Qaramada Midoobay

Madaxweyne Obama ayaa u digay dalalka adduunka in la lumin doono hamiga lagu baabi'inayo saboolnimada, hadii aan la badalin habka loola dhaqmo gargaarka iyo horumarinta.

Isagoo ka hadlaya Shirka Millenium Development ee Qaramada Midoobay ee New York, wuxuu ku tilmaamay horumarinta ay tahay Istaraatiijiyad qof walba.

Mr Obama ayaa balanqaaday inuu la shaqaynayo waddamadda diyaarka u ah inay wadankooda ka bixiyaan saboolnimada.

Laakiin wuxuu sheegay in Maraykanka uu u baahan yahay inuu xooga saaro horumarino gaar ah.

Caafimaadka Afrika

Qaramada Midoobay ayaa maanta soo bandhigtay qorshe cusub, oo loogu tala galay in lagu bad baadiyo nolosha lix iyo toban milyan dumar iyo caruur ee ku nool waddamada soo koraya shanta sano ee soo socota.

Qorshaha oo ay ku bixi doonaan afartan billion oo dollar, ayaa waxaa soo bandhigay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon.

Wuxuu sheegay in meelo badan adduunka dumarka ay weli ka faaidaysan horumarka laga gaaray ilmo dhalida boqol sano ka hor. Iyo in malaayiin carruur ah ay u dhinteen nafaqo yarii yo cuduro uu adduunka yaqaano sida loo daaweeyo sanado badan.