Dib u qaabaynta siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Johnnie Carson, ayaa sheegay in Maraykanku uu siyaasad cusub kula dhaqmi doono qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Somaliland oo sheegata in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, maamul goboleedka Puntland iyo qaybaha maamul hoosaadyada iyo deegaanada qabaa'ilka.

Johnie Carson, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeyay uu Maraykanku kula dhaqmi doono Soomaaliya siyaasad laba geesood ah.

Tan hore, ayuu sheegay in ay tahay mid lagu taageerayo heshiiskii nabadeed ee qorshihii Djibouti si looga dhigo mid loo dhan yahay, dowladuna noqoto mid howsheeda ka soo baxda.

Wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale la xoojin doono howsha nabad ilaalinta ee ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

" wadada hore waa tii caadiga ahayd ee taageerada qorshihii nabadda ee Djibouti, dowladda ku meelgaarka ah ee TFG iyo dowladda Sheekh Shariif si la isugu dayo in laga caawiyo in ay noqoto mid waxgal ah si looga dhigo mid loo dhan yahay, si loo siiyo awoodda ay dadkeeda ugu gudbin karto adeegyada loo baahan yahay, waxaan kaloo ka shaqayn doonnaa in la xoojiyo AMISOM.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland iyo Somaliland

Wuxuu kaloo ka hadlay Johnie Carson in ay jirayso waddo kale oo muhiimadeedu sii kordhayso oo ay kula dhaqmi doonaan Soomaalida, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday Puntland iyo Somaliland.

" Waxaanu ka shaqayn doonnaa in aan si sidii hore ka firfircoon aan ula howlgalno dowladaha Puntland iyo Somaliland, waxaan rajaynaynaa in la heli doono diblomaasiyiin iyo shaqaale gargaar oo Maraykan ah oo dheeraad ah oo galaan wadamadaas si teel teel ah si ay ula kulmaan madaxda dowladda si aan u eegno sida aan ugu caawin karno in ay horumar ka sameeyaan awoodooda in ay adeegyo u gudbiyaan dadkooda, oo aan aragno mashruucyada caawinta horumarineed ee aan kala shaqayn karno."

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Johnie Carson, wuxuu ammaanay xasiloonidda ka jirta labadan qaybood ee Soomaaliya.

"waxaan u malaynaynaa in labadan qaybood ee Soomaaliya ay ahaayeen qaybo xasilooni siyaasadeed iyo mid rayidba ay ka jirtay si ka duwan qaybaha kale ee Soomaaliya , waxaanan filaynaaa in ay noqon karaan howl geesinimo leh oo looga hortago xagjirnimada iyo asalraacnimada ee ka soo gudbi karta dhinaca Koonfurta." Johnie Carson.

Qaybaha kale ee Soomaaliya

Dhinaca kale, ayaa Maraykanku uu si gaar ah u tilmaamay kooxaha kala duwan ee ka jirta bartamaha Koonfurta Soomaaliya iyo qabaa'ilada ee aan la shaqayn al-Shabaab in iyagana lagala shaqaynayo dhinacyada horumarinta.

"si la mid ah, waxaa istaraatiijiyadda dhinaca labaad ka mid ah, waxaan gacanta u fidinaynaa kooxaha bartamaha koonfurta Soomaaliya, kooxaha sida dowladaha deegaanka, qabaa'ilka, iyo lafaha qabaa'ilka ee ka soo horjeeda al-Shabaab, oo ah koox asalraac xagjir ah ee Koonfurta ka jirta, ee aan sida rasmiga ah ama tooska ah isbahaysiga ula ahayn TFG. Waxaan raadinaynaa fursado aan kula shaqayno kooxaha si aan u aragno in aan aqoonsan karno, oo aan heli karno habab aan ku taageerno hindisahooda iyo howlahooda horumarineed." Kaaliyaha xoghayaha dibedda Maryakanka, Johnie Carson.

Kaaliyaha xoghayaha oo shirka jaraa'id ku qabtay xarunta qaramada midoobay ee uu ka socdo shirka golaha guud ee Qaramada midoobay, ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Hilary Clinton ay kulan saacad qaatay oo wax ku ool ah ay la qaaday madaxwaynaha Uganda, Yuweri Museveni. Kulankaas ayuu sheegay in muhiimadda uu lahaa ay ahayd in madaxwayne Museveni uu mid yahay madaxwaynayaasha ugu muhiimsan ee geeska africa iyo qaaradaba, uuna yahay ciidankiisu laf dhabarka ciidamad AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. In ka badan 5000 oo ciidan ah ayaa difaacaya dowladda TFG. Xoghayaha dibedda ayuu sheegay in ay ku ammaantay madaxwayne Museveni howsha uu ka wado Soomaaliya isagoo ka wakiil ah AU iyo bulshada caalamka.

Kulankii looga hadlayay Soomaaliya ee uu horkacayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayuu Johnie Carson sheegay in ay fadhiyeen 4 ilaa 5 madaxwayne, oo uu ku jiray ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, madaxwaynaha Uganda, Mesevani iyo tiro wasiiro arrimo dibadeed oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda ee France, kan dalka Talyaaniga, kan Great Britain, Maraykankuna uu matalayay ku xigeen xoghayaha arrimaha dibedda.

Wuxuu Maraykanku shirkaas ka sheegay in dhibaatada Soomaaliya loo arko mid qaran, mid gobol iyo mid caalami ahba. Waxaa lagu tilmaamay in ay tahay dhibaato ka sii daraysay labaatankii sano ee ugu dambeysay oo dhashay burcadnimo caalami ah, dagaalyahanno ajnabi ah oo gala Soomaaliya iyo qaar ka tirsan kooxo ka jira Soomaaliya oo taageeraya wixii ka soo haray al-Qaeda qaybtii bariga Africa ee ka dambeeyay burburkii safaaradaheenii Dare-Salam iyo Nairobi bishii August, 1998-dii.

Soomaaliya, ayuu ku tilmamay in ay tahay dal guul daraystay oo aan awoodin awood, xasilooni iyo in uu fuliso adeegyada dowlad laga filo ee dadkeeda ay siin lahayd.