Dagaal Hiiraan ku dhexmaray al-Shabaab iyo ciidanka dowladda

Mid ka mid ah xarakada al-Shabaab oo difaac ku jira
Image caption Mid ka mid ah xarakada al-Shabaab oo difaac ku jira

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah, ayaa ku dhintay, iyadoo 2 kalena ay ku dhinteen kadib markii lagu dagaalamay tuulada Beer-Dhiic oo qiyaastii 40 kilomitir u jirta degmada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogag ka socda al-Shabaab ay weerareen tuulada oo la sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah oo dhowaan tababar ku soo qaatay dalka Ethiopia.

Labada qof ee ku dhimatay dagaalka waxaa ku jiray nin caanka ka ahaa tuulada, oo dhinaca suugaanta lagu yaqaanay oo la dhihi jiray Aadan Raagoow.

Dadka tuulada ayaa sheegay in abwaanku u geeriyooday rasaas haleeshay isagoo dhex jooga Tuulada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu ay hadda degan tahay kadib markii ciidamadii ka socda al-Shabaab ee deegaankaas gaaray ay dib ugu laabteen degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Image caption Askar ka mid ah ciidamada dowladda

Dhaqdhaaqan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ciidamada Ethiopia ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan xudduudda ay la wadaagaan gobolka Hiiraa.

Laba maalmood ka hor ayaa ciidamada Ethiopia qayb ka mid ah ay soo gaareen deegaanka Kala-bayrka ee isla gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalku dhexmaray.