BBC ka dhageyso USA Mobile

BBC Somali
Image caption BBC Somali

Dhageystayaasha BBC ee Mareykanka waxaan ugu bishaareyneynaa in ay Laanta Soomaaliga ee BBC ay ka dhageysan karaan telefoonaddooda mobile-ka.

Si aad u dhagaysato BBC Somali waxaad garaaceysaa 712 432 6582.

Adeegani waa lacag la'aan, laakiin dhageystayaashu waa in ay ka hubiyaan sharikadahooda mobile-ka.

Mareykanku waa dalka ugu badan ee laga daalacdo barta internetka ee BBCSomali.com.

Madaxa Laanta Soomaaliga ee BBC, Yusuf Garaad Cumar wuxuu yiri: "Tallaabadani waa mid sii kordhineysa adeeggeenna Mareykanka, waxaanan aad ugu faraxsan ahay in dhegeystayaasha qiimaha leh ee BBC ee dalka Mareykanku ay hadda nagu dhegeysan karaan Mobile-kooda."