Shariif oo la kulmay Raiisul Wasaaraha Spain

Shariif iyo Zapatero
Image caption Madaxweyne Shariif iyo Raiisul wasaare Zapatero

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa la kulmay Raiisul Wasaaraha waddanka Spain, Jose Luis Rodriguez Zapatero.

Labada masuul ayaa kulankoodu waxa uu maanta ka dhacay Qasriga Moncloa ee ku yaalla magaalada Madrid, waxaana sida uu ku waramayo Yusuf Garaad oo ku sugan Spain ay isku afgarteen waxyaabo dhawr ah.

Dowladda Spain ayaa u ballanqaaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay siineyso kaalmo, iyadoo dhinaca kalena usoo jeedisay tallooyin.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa magaalada Madrid isaga iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay uga qeybgaleen shirka kooxda xiriirka caalamiga ah, oo maanta lagu soo gabagabeeyay halkaasi.