Sheekh Shariif oo u waramay BBC

Madaxwayne Sheekh Shariif
Image caption Madaxwaynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed

Madaxweynha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, oo khudbad ka jeediyey golaha loo dhan yahay QM, ayaa UN ka codsaday in dawladiisa laga caawiyo sidii ay dalka u xasilin lahayd.

Wuxuu mdaxweyne shariif khudbaiisa kaga hadlay halista kooxda shabab..wuxuu kaloo ka hadlay in xiriir uu ka dhexeeya kooxaha burcad badeeda somalia iyo ururka al-qaeda.khubadiisii kadib ayaa M/weyne sharif waxaa NY ku wareystay oo dhowr arrimood oo khudbadisii ku jiray faahfaahin ka waydiiyey wariyaha BBCda MHH Shino oo marka hore waydiiyey shirkii caalamku ka yeeshay somalia ee UN ka dhacay wixii uga sheegay xaaladda somalia.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wuxuu ka hadlay musumaasuq lagu eedeeyay dowladda, oo uu sheegay in dowladda intii karaankeeda ah ka dadaaleyso wixii maamul xumo ah.

Madaxwaynaha, wuxuu sheegay Puntland iyo Somaliland oo Maraykanku sheegay in uu si toos ah ula xaalayo in ay yihiin qaybo ka mid ah dalka Soomaaliyeed oo aysan waxba ka qabin in wax lala qabto, wax dhibaato ahna aysan ku jirin.

Wuxuu sheegay in uu jiro xiriir ka dhaxeeyo burcad-badeeda Soomaaliya iyo al-qaeda, oo uu sheegay in ay si dhaafsadaan macluumaad iyo dhaqaale.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay yihiin dad 'mujiriim ah' oo ka been sheegay diinta Islaamka, shacbigana dhibaato u gaystay iyo eedo kalena oo uu u soo jeediyay.

Wuxuu madaxaynuhu ka hadlay heshiiska ahlu-Sunnah ay horay ula galeen dowladda ku meelgaarka ah oo uu yiri sidiisii ayuu u taagan yahay wixii ka dhimanna la sixi doonno.