Dad qaraqmay iyo mid ka mid ah burcad-badeed oo la qabtay

Koox burcad-badeed ah oo horay loo qabtay
Image caption Koox burcad-badeed ah oo horay loo qabtay

Ugu yaraan 13 qof ayaa baddu liqday iyadoo sideed kalena la la'yahay kadib markii markab kuwa ciidamada badda maraykanka uu ugu tagay in uu gargaaro doon ku jabtay gacanka cadmeed.

Saraakiisha Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in markabka USS Winston Churchill uu isku dayay balse ku guulaystay in uu kiciyo matoorarada doonta kadibna uu u jiiday dhinaca xeebta Soomaaliya.

Hase yeeshee, markii shaqaalihii markabka Maraykanka ay bilaabeen in ay cunto iyo gargaar siiyaan dadka uu dadaalkii samafalku isu rogay masiibo kadib markii dadkii doonta saarnaa ay hal dhinac oo doonta ah isugu yimaadeen, taasoo keentay in ay degto oo quusto.

Dhamaan sideetan iyo shan qof oo saarnaa ayaa badda ku dhacay.

Wararka ayaa sheegay in ay ahaayeen todobaatan iyo shan qof oo Ethiopian ah iyo toban Soomaali ah.

Dhinaca kale ciidamada badda Tanzania ayaa sheegay in ay qabteen qof ay uga shakiyeen in uu yahay burcad badeed oo Soomaali ah kadib markii dagaal uu ka dhacay badwaynta India.

Waxaa ciidamada Tanzania ay sheegeen in arrintan ay ka dhacday Axaddii xeebaha ka baxsan koonfurta Tanzania oo shirkadda Ophir ay ka waddo baaritaanka saliid iyo gaas.

Afhayeen u hadlay cidiamada badda, Steven Buyuya ayaa sheegay in doon burcad badeed Soomaali ah ay rasaas xoog leh ku fureen markabka cidianka badda Tanzania oo dhibaato ay u gaysteen.

Kadib ayaa doonto ciidamada badda iyo kuwa booliisku leeyihiin ay eryadeen burcad badeed, iyadoo xiray qof loo malaynayo in uu ka tirsanaa.

Intii kale ayay sheegeen in ay baxsadeen.