Shirka kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Madrid

Madaxwayne Shariif iyo wasiiirka dibedda Spain, Miguel Angel Moratinos
Image caption Madaxwayne Shariif iyo wasiiirka dibedda Spain, Miguel Angel Moratinos

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain shirka kooxda xiriirka Soomaaliya oo lagu gorfaynayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay u matalayaan dalka Soomaaliya, ayaa shalay ka furmay Madrid.

Yuusuf Garaad, oo hadda jooga Madrid ayaa uga waramay Cabdiraxmaan Korotno faahfaahinta laga filayo shirka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu iska casilay xilkii ra'iisul wasaarenimada.

Waxaa kaloo uu imanayaa iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in boqolaal kun oo barakacayaal ah in ay ku nool yihiin daafaha Muqdisho, isla markaana dhaliilo musuqmaasuq ku jiro loo soo jeedinayo dowladda ku meelgaarka ah.