Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Burcad badeed lagu xukumay Boosaaso

Image caption Maraakiibta dagaalka ee Nato ee ilaalinaya xeebaha u dhow Somaliya

Maxkamad ku taala magaalada Bosaaso ayaa xukuno dil iyo xabsiyo dhaadheer isugu jira ku xukuntay sagaal nin oo ka tirsan burcad baddeed, kuwaas oo bishii Juun ee sannadkan afduubay markab laga leeyahay dalka Imaaraatka, isla markaasna halkaas ku dilay kabtankii markabkaas oo u dhashay dalka Pakistan.

Burcaddu waxay kaloo dhaawaceen askeri ka tirsan ciidamada Puntland, ka dib markii ciidamada maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen burcaddii markabka haysatay kuwaas oo markii dambe gacanta ku dhigeen burcadda iyo markabkaas.

Sideed ka tirsan dadka la xukumay waxaa la horkeenay maxkamada, hase ahaatee nin kale ayaa isagoo maqan la xukumay.

Dadka hadda la hayo dhammaantood waxaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada Puntland ku soo furteen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo bishii Juun ee sannadkan laga afduubay badaha ku aaddan Soomaaliya.

Sida uu BBCda u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan maxkamaddu waxay dil toogasho ah ku xukuntay, Saalax Maxamuud Geelle oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii kabtanka markabkii MV QSM Dubai oo la oran jiray Sayid Jacfar oo u dhashay dalka Pakistan.

Saddex kale oo ka tirsan burcadda waxaa midkiiba lagu xukumay 17 sano oo xarig ah iyo 2000 oo doollar oo ganaax ah, xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in laba ka mid ah saddexdaas nin lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen abaabulka afduubka markabkaas, halka kan saddexaad oo hadda maqana loo haysto inuu ahaa ninkii maalgeliyay hawlgalka lagu afduubay markabkaas.

Maxkamaddu waxay xukun 12 sano ah ku xukuntay saddex kale oo burcad ah, nin kale oo ka tirsanaa burcadda markabka afduubtay hase ahaatee loo haysto inuu dhaawacay askeri ka tirsan ciidankii markabka soo furtay ayaa isagana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 2000 oo doollar oo ganaax ah.

Eedaysane kale oo isagna ka qaybgalay afduubka markabkii MV Dubay ayaa isagana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah kaas oo uu xeer ilaaliyuhu sheegay in intii la haystay markabka uu si wanaagsan ula dhaqmay shaqaalihii afduubka loo haystay sidaa awgeedna laga khafiifiyay xukunkii uu mudanaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Maxamuud Xasan wuxuu intaas ku daray in caddaymaha loo cuskaday xukunka burcad badeedan ay ka dambaysay baaritaano la sameeyay, qoraallo laga qoray shaqaalihii markabka iyo burcadda laftigeeda oo iyana laga helay caddaymo iyo qiraal.

Markabka MV Dubai wuxuu u rarnaa ganacsato Soomaaliya wuxuuna sokor u waday dekedaha Bosaaso iyo Berbara, wuxuuna ahaa markabkii labaad ee u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo ay xoog ku soo furtaan ciidamada amaanka ee Puntland iyadoo ay jirtay dooni kale oo iyana u socotay dekedda Berbera oo burcadda xoog looga qaaday.