Soomaliya oo noqotay waddanka ugu xun iskuul aadista

Ardayda iskuulada Muqdisho
Image caption Ardayda iskuulada Muqdisho

Warbixin ay soo saartay kooxda u ololaysa waxbarashada ee Global Campain For Education (GCE) ayaa sheegtay, in Soomaaliya ay noqotay waddanka ugu xun adduunka ee iskuul laga aado.

Dagaalka ka socda in ka bada labaatan sano ayaa saamayn ku yeeshay wax barashada. Daraasaadkii ugu danbeeyay ee laga soo aruuriyay wuxuu sheegayaa in boqolkiiba toban oo kaliya carruurta inay dhigtaan iskuul.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay waddamada ay dadkooda toddobaatan boqolkiiba aysan waxba qori karin waxbana aqrin karin.

Liiska lixdanka waddan ee ugu saboolsan adduunka waxaa ugu hoos maray Soomaaliya waxaana ku xiga Eritariya, Haiti, Comoros, Ethiopia Chad ,iyo Burcino faso.