Biyaha wabiyada oo qatar ku jira

Kalluun ku dhintay wabiga.
Image caption Wasaqda biyaha wabiga waxay dishaa xaywaanka ku nool wabiga iyo dadka

Daraasaad lagu sameeyay wabiyada adduunka ayaa sheegay, in ku dhawaad siddeetan boqolkiiba dadka adduunka ay ku ag nool yihiin wabiyo qatar ay kaga imaanayso wasaqda warshadaha iyo beeraha.

Daraasaadka lagu daabacay Joornaalka Nature ayaa sidoo kale sheegay, in ilaa saddex iyo bar billion oo qof oo ku nool wadddamada soo koraya ay dagan yihiin meelo aysan ka heleen biyo nadiif ah.

Baarayaasha sameeyay daraasaadka ayaa ku eedeeyay waddamada horay u maray inay ku guul daraysteen inay ka hortagaan qatarta ku timid biyaha.

Waxay ku guubaabiyeen waddamada soo koraya inay ka bartaan cashar qaladyadii ay sameeyeen waddamada horay u maray markay maalgalinayaan mashruucyada biyaha.