7 ayaa ku dhintay Muqdisho markii madaxwaynuhu ku laabtay

Sheekh Shariif oo fadhiya shirkii Madrid
Image caption Sheekh Shariif oo fadhiya shirkii Madrid

7 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo isbahaysiga ciidamada ee dhinaca dowladda ku meelgaarka ah.

Wuxuu ku soo beegmay iyadoo madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu saakay ku laabtay magaalada Muqdisho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxwaynaha oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho kadib safar uu ka soo laabtay dalal dhowr ah safar uu ku tagay oo ay ka mid yihiin Spain iyo New York oo uu kaga qabgalay shirar ku saabsanaa aayaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhowaan uu soo magacaabayo ra'iisul wasaare soo dhisi doono dowlad intii hore ka kooban.