Dhaqtarkii soo saaray daawaynta ilmo dhalis la'aanta

Doctor Robert Edwards wuxuu ayaa ku guulaystay bilada Nobelka
Image caption Doctor Robert Edwards wuxuu ku guulaystay bilada Nobelka ee daawooyinka, Shaqadiisa ayaa horseeday in dad badan oo aan ilmo hali karin ay ilmo ku dhalaan habka IVF

Abaalmarinta bilada Nobelka ee daawooyinka ayaa la siiyay Robert Edwards oo ah saynisyahan British ah oo ay shaqadiisa horseeday in lagu guulaysta habka ilmaha ay dumarka iyo ragga aan ilmaha dhali karin ay ku dhalaan ee IVF

Dr Robert Edward iyo Dr Patrick Steptoe ayaa soo saaray habka ugxanta dumarka loogu beerayo biyaha ragga banaanka, kadibna lagu tallaalo ilmo galeenka dumarka.

Abaalmarinta oo laga bixiyay dalka Sweden, ayaa gudiga abaalmarinta billada Nobelka ay sheegeen, in horumarka laga gaaray habkan ilmo dhalida ay suurto galisay in la daaweeyo dad badan oo ilmo aan dhali karin, taasoo saamaysa in ka badan 10 boqolkiiba reeraha adduunka.