Muqdisho oo degan

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka deganayd kadib dagaal muddo 3 maalmood ah si xiriir ah uga socday.

Sadexdii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa kooxaha iska soo horjeeda ay ku dagaalamayeen magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 20 qof, ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo 60 qof in ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaal culus oo maalintii saddexaad ka socday Magaalada ilaa xalay fiidkii, ayaa u dhaxeeyay ciidamda Amisom oo ay la socdaan ciidamada dowladda ku meelgaarka ah iyo kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradka ah.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay ciidamada Amisom ka qabsadeen jid muhiim ah kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ah.

Suuqa Bakaaraha oo u dhow meesha uu dagaalka ka socday ayaa xirnaa.