Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal culus oo ka socda Muqdisho

Image caption Dhaawac iyo dhimasho badan oo rayad ah ayuu gaystaa dagaalka Muqdisho

Dagaal culus ayaa ka socda Muqdisho maalintii saddexaad, kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay dagaal kula jiraan ciidanka dowladda iyo ciidanka AMISOM.

labaatan iyo lix Ruux ayaa ku dhintay afartan kalena waa ku dhaawacmeen inta la ogyahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaqha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa maanta tegay magaalada Nairobi, halkaas oo uu wadahadal kula leeyahay dowladda Kenmya.

Madaxweynaha wuxuu toddobaadkii hore soo maray Djibouti iyo Ethiopia.