AU: waxaan gacanta ku haynaa 40 boqolkiiba Muqdisho

Taangiyada ciidamada Midowga Afrika
Image caption Taangiyada ciidamada Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamadooda nabad ilaalinta inay hadda gacanta ku hayaan in ka badan afartan boqolkiiba Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafula Wamunyinyi ayaa BBCda u sheegay, in ciidamada Afrikaanka ay u guureen meelo cusub maalmahan danbe. Wuxuu sheegay inay ka go'doomiyeen Islaamiyiinta meeshii ugu muhiimsaneed ee ay fadhiyeen suuqa Bakaaraha.

Kala qaybsanaan ayaa lagu soo waramayaa inay soo kala dhex gashay Al-Shabaab.

In kastoo Al- Shabaab ay kala qaybsan tahay, dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika dhulka ay gacanta ku hayaan inuu ka yar yahay afartan boqolkiiba.